ASKARI MAALQABEEN AHAA OO SI XUN NAFTA LOOGA QAADAY KADIB MARKII UU ARI XADAY

Habeenkii Talaadada ee la soo dhaafay ayaa waxaa si xun loo  dilay askari haweenay da’ ah ka xaday 3 neef oo Ari’ ah.

Wargeyska The Monitor ayaa qoray in Askarigaas oo ka tirsan ciidanka difaaca dadka Uganda ee UPDF habeenkii Talaadada  lagu dilay Tuulada Anyola, kadib markii uu haweenay da’ ah ka xaday 3 neef oo Ari’ ah.

Asksrigaasi oo lagu magacaabi jirey Fred Otim ayaa waxa uu ka tirsanaa Guutada Alpha Battalion ee saldhigoodu yahay Degmada Oyam. waxa uuna jiray  48-sano.

Dadka deggan Tuulada Anyalo ayaa la sheegay inay Askariga garaaceen ilaa uu ka geeriyoodo, waxaana wehliyay Labo qof kale oo iyagana tuugo ahaa kuwaas oo iyagoo tacbaan ah loo qaaday Isbitaalka, halka uu isagana isla goobta ku naf waayay.

Haweeneyda ariga laga xaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Anjulet Amongi. waxayna ahayd  carmal Ninkeeda uu dhintay, waxayna ahayd 62-jir.

Dhinaca kale, Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa maalqabeen iska lahaa 3 guri oo mid ku dhex yaala Xerada Ciiddanka ee Looro ee uu ka tirsan yahay, halka 2 kalena ku yaalaan meel ka baxsan Xerada, wuxuuna ku kaydsan jiray alaabta uu soo xado.

Afhayeenka Boliska Degmadda Oyam, Victor Saasi Kule waxa uu xaqiijiyay dhacdada lagu dilay Askarigaas, oo maydkiisa la dhugay Qeybta lagu kaydiyo maydadka ee Xarunta Caafimaadka ee Anyeke.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>