ARRIN ARGAGAX LEH OO MAANTA LAGU ARKAY DEGMO KA MID AH GOBOLKA BANAADIR.

Waxaa barqadii maanta Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu arkay meydka nin la gowracay sidoo kale indhaha laga soo bixiyay.

Dadka deegaanka ayaa arkay meydka ninkan oo yaala meel cidlo ah isaga oo qoorta laga jaray sidoo kale indhaha laga bixiyay, waxaana si weyn  u argagaxay dadkii arkay meydkaasi.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka lagu arkay meydka ninkan la gowracay oo da’diisa lagu qiyaasay 40-sano jir, lamana oga ilaa hada in goobtaasi lagu gowracay ninkaasi iyo in meydkiisa un la geeyay goobtaasi.

”Meydka barqadii maanta ayaan ku aragnay isaga oo meel cidlo ah dhax yaala, waan ka argagaxnay waana garan weynay ninkaasi, waxa uu xirnaa Jaakada Calanka Soomaaliya iyo buumo kaliya, hada meydka waa la qaaday ciidamaa u yimid” Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Maamulka Degmada Dayniile iyo laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin meydka ruuxa la gowracay ee  lagu arkay xaafadan katirsan Dayniile, laman aga ilaa hada wax uu ahaa ninkaasi la dilay iyo waliba cida dilkiisa ka dambeysay.

Magaalada Muqdisho mudooyinkan laguma arag qof la gowracay oo meel cidlo ah la dhigay, waxaana kaliya magaalada looga bartay in ay ka dhacaan dilal qorsheesan oo loo geesto dad bartilmaameed ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>