AL-SHABAAB OO XUKUN DHAGAX KU DIL AH KU FULIYAY HAWEENAY 11-NIN ISKU GUURSATAY.

Maamulka Al-Shabaab ee degmada Sablaale ee Gobolka Sh/Hoose ayaa Xukun dhagax ku dil ahaa waxa ay ku fuliyeen Haweeney Zino ah ku kacday sida ay sheegeen maamulkaasi.

Fagaaro ku yaalo degmada Sablaale ee Gobolka Sh/Hoose ayaa xukunka lagula fuliyay Haweeenay lagu magacaabo Shukri C/llaahi Warsame oo hal Mar 11 Nin isku guursatay.

Qaadiga Maxkamadda Sh/Hoose ee maamulka Al-shabaab oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka lagu riday haweenayda ayaa sheegay in ay qiratay dhammaan dambiyada lagu soo eedeeyay oo ahaa in ay guursatay 11 Nin hal mar, xaaladda caafimaad ee Shukri C/llaahi Warsame ayaa aheyd  mid wanaagsan waxayna maxkamadda ka hor sheegtay in wax cudur daar ah aysan lahayn ayna ku qanacsantahay in lagu fuliyo waxa ay kan hesho shareecada islaamka.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxay xukuno ku fulinayeen qaar kamid ah Goboladda dalka Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>