AKSHAY KUMAR OO SHEEGAY INUU SOOMAALIYA BOOQANAYO

Soomaalida oo intooda badan ah dad aad u daawda aflaamta hindiga laga soo bilaabo sanadihii 70-meeyadii ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa ay jecel yihiin atoorayaasha Hindiga, gaar ahaan waxay aad u xiiseeyaan aktarka Akshay Kumar oo caan ku ah filimaadka jacaylka.

Akshay oo u waramayay wariye ka tirsan Idaacadda BBC-da ayaa  ku yiri “Horay uma aanan ogeyn in ay Soomaalida i daawadaan, balse markii aan maqlay in Soomaaliya la iga daawado, weliba aad la iiga xiiseeyo waan ku farxay, waxaanan rajaynayaa in aan mar tago Soomaaliya”.

Atooraha caanka ee dalka Hindiya Akshay Kumar waxa uu markii ugu horeysay fariin u soo diray taageerayaashiisa Soomaalida ah, wuxuuna sheegay in uu Soomaaliya booqanayo, wuxuuna Soomaalida ka codsaday in ay daawadaan filimkiisa cusub ee Padman, isla markaasna uu iman doono Soomaaliya.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>