4 nin oo walaalo ah ayaa Hooyadood haddiyad uga dhigay inay afartooda hal mar wada dhigtaan xaflad aroos wadareed.
Bishii la soo dhaafay ee June 23-da ayeyna wada dhigeen munaasabadda arooskooda, iyadoo Richard Oloka oo ka mid ah Boliska Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay walaalihiisa ka waaweyn hal mar wada yegleelaan qoysas.
Waxa uu sheegay in hooyadood ay ku soo daashay koriimadooda, tan iyo markii uu aabahooda geeriyooday bishii May 12-dii ee sannadkii 1989-kii.
Afarta Walaalaha ee halka mar wada yeeshay qoysaska waxaa magacyadooda iyo xaasaska ay guursadeen lagu kala magacaabaa:
1- Stephen Wandera, 48-jir oo guursaday Maureen Asinde.
2- Silver Ofwono oo 44-jir ah oo guursaday Teresa Abot.
3- Peter Owora oo 37-jir ah waxa u uguursaday Grace Achieng .
4- Richard Oloka oo 24-jir ah waxa uu guursaday Rose Awuma
Mamaadda Waxay ku faraxday arrintaasi iyo inay wiilasheeda hal mar wada guursaaan.
Aayahanolosha.net