ADIGOO DA’ AH OO GURIGAAGA LACAG LAGUGU SIINAYO, SHAQO MA DOONAN LAHAYD..?

Dadka da’da ah ee ku nool dalalka horumaray ayaa loo ogol yahay inay marka ay shaqada howlgab ka noqdaan gurigooda iska joogaan, waxaana la siiyaa lacago ay dowladdu u qoondeysay.

Nin oday ah oo 77-sano jir ah oo horay na u noqday howlgab ayaa sheegay inuu dhibsadfay guri joogista, wuxuuna haatan billaabay in mar kale uu shaqeeyo, isagoo shaaciyay in uu shaqeyn doono ilaa iyo inta karaankiisa ah.

Graham Smith, oo ka soo jeedaa magaalada Dunstable ee dalka Ingiriiska ayaa go’aansaday inuu holwgab noqdo da’diisu markay aheyd 65 sano, laakiin wuxuu la qabsan waayay guri joogista oo sida uu xusay uu ku caajisay, wuxuuna shaqo ka dalbaday garoonka diyaaradaha ee Luton.

Graham haatan waa shaqaalaha ugu da’da weyn ee garoonkaasi, wuxuuna  sheegay inuu sii wadayo shaqadan ilaa iyo inta aan ka shaqeyn waayo, mana u maleynayo in taasi ay dhici doonto wakhti dhaw’, ayuu yiri Graham.

Graham ayaa sidoo kale sheegay in dad badan ay u moodaan in uu waalan yahay marka ay arkaan isagoo da’dan ah oo haddana shaqeynaya, waxaana uu intaa raaciyay in uu ku faraxsan  yahay shaqadiisa, isagoo intaa ku daray in shaqada ay tahay nolol maalmeedkiisa.

Chris Jones, oo ah madaxa ammaanka ee garoonka uu ka shaqeeyo odaygan ayaa sheegay in Graham uu yahay qof aad looga yaqaano garoonka.

“Shaqo wanaagsan ayuu qabtaa, mar walabana waa qof la isku haleyn karo oo tusaale u noqday dadka kale” ayuu yiri Chris.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>