ABWAANAD SOOMAALIYEED OO CABASHO QARAN KA AH SEYGEEDA OO SIFO AAN SHARCI AHAYN LOOGA XIRAY.

Abwaanad Saynab Xasan Cumar oo ku magac-dheer (Qaran-Jacayl) kana mid ah hal-abuuradda Soomaaliyeed ee u hadla Ummadda Soomaaliyeed, ahna ruux ku sifoobay dal iyo dowladnimo jacaylka ayaa cabasho qaran ka ah Ninkeeda oo ay dhawaan is guursadeen kaasoo sifo aan sharci ahayn ilaa iyo hadda ugu xiran Madaxtooyadda Soomaaliya.

Qoraal dareen xambaarsan oo ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayay ku sheegtay inay muddo la aamusnayd qalad ay ka tirsanayso hay’adda nabad Sugida Soomaaliya taasoo sida ay sheegtay ninkeeda oo ay is guursadeen bilowgii sanadkan kala baxeen hoygooda maalin un kadib aqalgalkoodii xili ay ku guda jireen maalmihii ugu farxada iyo reyn-reynta badneed ee noloshooda.

Abwaanad Saynab Xasan Cumar ayaa ku sheegtay sababta keentay in ninkeeda la xiro ay timid kadib markii xaafadii ay ka dageen Muqdisho dabley hubeysan ku dileen wiil dhalinyaro ahaa halkaasna ka baxsadeen dhagarqabayaashii falkaasi fuliyey, hase yeeshee Ciidamada Nabad sugida si toos ah gurigooda u soo abaareen kadibna ninkeeda shaki loo malaynayo inuu dilkaasi ka dambeeyey loo xiray sida ay tiri.

“Xafladeenii Arooska maalintii xigtay oo ay taariikhdu ahayd 19/01/2019, ayay ciidamada nabad sugida guriga yimaadeen inagoo ku guda jirna maalmaha farxada nolosheena, midkeena kan kale uu xiiso u qabay keena kaleeto….laakiin mar qura ayay wax waliba is badleen wiilkii aan is guursanay waxaa kaxeestay ciidamadii Nabad sugida ilaa maanta oo ay 3-bilood ka soo wareegatay wuxuu isaga jiraa madaxtooyada isagoo lagu heysta sifo aan sharci ahayn…waayo dambiile ma ahan, gacan ku dhiiglane ma ahan, marka laga reebo shakiga loo xiray…taasna ma xuma oo shaki wuu imaan karaa laakiin cadaalad ayaa loo baahan yahay in qofka uu helo lana cadeeyo haddii uu dambi leeyahay…haddii uusan lahayna xoriyaddiisa waa in la siiyaa” ayay si murugo leh qoraalkeeda ugu muujisay Abwaanad Saynab Xasan Cumar (Abwaanad Qaran Jacayl).

Sidoo kale waxay sheegtay 40-maalmood kadib inay ku booqatay halkii uu ku xirnaa, laakiin muddo aad u fog aan dib dambe loogu ogolaan inay booqato seygeeda oo ay sheegtay inay aad u jeceshahay hilow badana ay naftu u qabto.

“Run ahaantii qalad maaha in qof laga shakiyo oo la xiro, hase yeeshee waxaa layaab iyo amakaag igu ah in dadkii sidii xoolaha iskaga xaraysan yihiin madaxtooyada iyadoo aan wax maxkamad ah la geyn, lana baarin iyagoo aan wax dambi ah ku lahayn wixii falkaas geystayna ay bannaanka si xarago leh u joogaan…” ayay mar kale si tiiraanyo leh ay u sheegtay Abwaanada iyadoo intaasi raacisay, in ninkeeda kaliya aanu ahayn dadka sifooyinka sharci darada ah ku xiran, balse ay jiraan dad badan oo la mid ah kuwaasoo isaga xiran madaxtooyada Villa Somalia xukun la’aan.

Ugu danbeyntii Abwaanada ayaa ka codsatay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye Mursal iyo guud ahaan cid kasta oo wax ka qaban karta arrintaan inay wax kala qabtaan…isla markaana Seygeeda dib xoriyadiisa loo siiyo.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho oo ah magaalo noocyo badan inta badana ay ka dhacaan dhacdooyin kugu reebaya xanuun iyo uurkutaalo ayaa haddana tabashada Qaran ee Abwaanad Saynab waxay ku soo beegmaysaa xili xabsiyada Muqdisho ay la ciir ciirayaan kumanaan dhalinyaro ah oo maxkamad la’aan iska xiran.

W/Diyaariyey: Bile Mohamed Cabdi (Bile-Baastey.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>