ABWAAN SOOMAALIYEED OO LOOGU HANJABAY MAGAALADA MUQDISHO.

Xili qaar ka mid ah wariyayaasha iyo hal abuurada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ay wajahayaan caqabado dhinaca xorriyada hadalka, isla markaana ay dareemayaan halis nololeed taasoo kaga imaanaysa dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya hanjabaad cul-culus oo loo geystay saacadihii la soo dhaafay Abwaan Dhiirane oo ku nool magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah dhalinyarada la shaqeysa Abwaan Dhiirane inta badana ka caawisa dhinacyada duubista muuqaalada hase yeeshee magaciisa sababo amaan darteed inooga codsaday in aan sheegin ayaa sheegay in hanjabaadyo ay la kulmeen gaar ahaan Abwaan Dhiirane oo muddooyinkii dambe ku dhiirada sheegida hadalo ay xandaf u arkaan Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, xili olole saxafiyiinta iyo hal abuurada lagu caburinaayo uu Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ka socdo.

Wax cusub ma ahan hanjabaadaha iyo cabsi gelinta ay la kulmaan suxufiyiinta iyo shaqsiyaadka baraha bulshada ka hadla sida Abwaan Dhiirane oo inta badan ka hadla arrimaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee abwaan Dhiirane oo dhowr jeer hore shaaciyey in loogu hanjabay xarig, ayaa dhawaan muuqaal uu soo duubay kaasoo uu kaga hadlayay arrimaha doorashooyinka Maamulka Jubaland ayaa si aan cabsi lahayn u qiray taageerada uu u hayo Axmed Madoobe, isagoo Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Jubaland Mudane Oomaar ku tilmaamay inuu yahay shaqsi mar waliba ka dhex muuqda Haweenka kaasoo aan u qalmin in lagu aamino masiirka maamulka Jubaland sida uu tilmaamay Abwaan Dhiirane.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>