ABWAAN BAARLEEX OO GEERIYOODAY

Abwaan Cabdullaahi Xirsi Ibraahim oo ku magac dheeraa Baarleex oo arrimo caafimaad dhawaan loogu qaaday dalka Hindiya ayaa  shalay geeriyooday.

Alle ha u naxariistee abwaanka waxa uu ka mid ahaa sugaanyahannada sida weyn looga yaqaanay guud ahaan dalka Soomaaliyeed, wuxuuna taariikh lama illoobaan ah ku lahaa fanka Soomaaliyeed.

Abwaan Baarleex oo ay da’diisu ahayd 66 sano waxa uu shalay  ku geeriyooday waddanka Hindiya, halkaasoo looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha ah oo uu in muddo ahba la il-darnaa.

Dhowr bilood ka hor ayuu Alle ha u naxariistee Abwaanka ka dhoofay magaalada Muqdisho, halkaasoo laga siiyay Visaha dal kugalka Hindiya si xanuunka hayay loogu dabiibo, balse shalay ayuu halkaas ku geeriyooday.

 

Wuxuu abwaanku Alle ha u naxariistee caan ku ahaa gabayada waddaniga ah, saarka iyo dhaantada oo uu ku cabiri jiray xaaladaha taagan iyo majaajilada.

1970-meeyadii ayuu ku biiray ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, isagoo ula tagay xirfaddiisa hal abuurnimo ee uu Eebe hibada u siiyay.

Waxaa lagu xasuustaa inuu gabayo badan oo guubaabo ah ku taageeray ciidamadii qaranka Soomaaliya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-kii.

“Harar iyo hawaas Allahayow la helo” ayaa ka mid ahayd suugaantii wadaniyaddu ku dheehneyd ee sida weyn loogu xasuusto abwaan Baarleex.

Sidoo kale dad badan ayaa xasuusta dhaantadiisii uu kusoo hooriyay: “Qarsho weeyee qalbigu armuu nagu qarxaa?”.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>