AABE GABADHIISA OO 10-JIR AH QAAB CUSUB U CIQAABAY, TAAGEERO BADANA KU HELAY

Aabe ayaa gabdhiisa oo 10-sano jir ah ciqaab qaab cusub oo aan la  malaysan karin ku sameeyay, kadib markii gabadha oo ardayad ahayd ay dhibaato u geysatay ardayda Iskuulka la dhigata, gaar ahaan kuwa ay Baska Iskuula soo wada raacaan.

Gabadhaas yarta ayaa maamulka Iskuulka muddo Saddex maalmood ah ka joojiyeen inay Baska iskuulka raacdo kadib markii ardayda kale iyo wadihii gaariga dacwad ka soo gudbiyeen, wuxuuna Aabaheed ku qasbay inay iskuulka u lugeyso masaafe dhan 8 kiiloo mitir, si uu ugu ciqaabo dhibaato ay Ardayda iskuulka u geysato.

Gabadhaas oo lagu magacaabo Kirsten ayaa muddo saddex maalmood ah looga mamnuucay gaariga iskuulka sababo la xiriira dhibaato ay markii labaad u geysatay ardayda la raacda gaariga, kadib ayuu aabeheed Matt Cox go’aan ku gaaray inuu siiyo cashar aysan iloobi doonin nolosheeda.

Wuxuu ku khasbay inay maalin qabow jiro u lugeyso iskuulka oo aad uga fog, isagoo gadaasheeda socday xilli uu gaari watay.

Muuqaal laga arki karo arrintan ciqaabta ah ayaa barta xiriirka bulshada ee facebook lagu fiirsaday in ka badan 15 malyan oo jeer waxaana hadallo faallo ah laga bixiyay kumannaan jeer oo kale.

Waxaa la arkayay gabadha yar oo socota waddada dhineceeda, iyadoo boorsada iskuulkana ay dhabarka u saarneyd, heer kulka hawadana uu aad u qaboobaa oo markaasi uu marayay 2C oo kaliya.

Mr Cox oo si aayar ah gaari ula daba socday gabadhiisa ayaa ku canaananayay hadallo ku saabsan dhibaateynta carruurta iskuulka.

“In carruurta lagu dhibaateeyo iskuulka ma aha wax la aqbali karo, habkan waa midka aan ku doonayo inaan qoyskeyga uga gooyo dhaqanka noocaas ah” ayaa ka mid ahaa hadalladiisa.

“Waan ogahay in waalidiin fara badan oo idinka mid ah aysan tallaabadeyda ku farxi doonin laakiin dhib ma laha oo waa tusaale foocan oo ubadka lagu tarbiyeyn karo” ayuu yiri.

Qoraal uu bartiisa facebooka soo dhigay Mr Cox ayuu ku sheegay in gabadhiisa ay qalbiga ku qaadatay hadalladiisa.

Gabadha 10 jirka ah oo wareysi siisay warbaahinta WTVG ayaa sheegtay in iyada qudheeda lagu soo dhibi jiray iskuulka, balse haatan ay naxariis yeelatay, dhib dambana aysan ardayda u geysan doonin.

In ka badan 63,000 qoraal oo ay dadka uga fal celiyeen muuqaalkiisa ayaa waxay intooda badan taageerayeen tallaabadiisa, waxayna uga mahad celinayeen sida ay u fiican tahay waalidnimadiisa.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

965 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>