AABAHA DHALAY GABADHII DARTEED LOO GUBAY AXMED DOWLO OO FARIIN AAN LA FILAYN SOO DIRAY

Waxaa wali si weyn loo hadal hayaa guurkii sababta u noqday in la dilo kadibna la gubo Aabe  Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Dowlo, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn loo cambaareeyay.

Lamaanaha guurkooda sababta u noqday in la dilo wiilka adeerkiis arrimo la xariira heeb sooc ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan guurka la sheegay in uu dhax maray Ruqiyo Cabdulaahi iyo  Maxamed C/Raxmaan Mukhaar.

Warar horey loo shaaciyay ayaa sheegayay in aabaha dhalay gabadhan uu bixiyay kuna daray wiilka ay is jeclaadeen, hase ahaatee waxaa hadda soo baxaya war ka duwan warkii horey loo sheegay.

Cabdullaahi Maxamed Axmed oo ah aabaha dhalay Ruqiyo ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in uusan gabadhiisa bixin kuna darin wiilka ay raacday, waxa uuna sheegay in gabadhiisa laga boobay xoogna looga heysto.

”Gabadheyda walaayadeeda anaa leh, ma dhiibin mana arag ninkaas, gabadheyda waa la iga boobay waxaana leeyahay xildhibaanada iyo dowladda arrinta guurkan haka waantoobaan” ayuu yiri aabe Cabdullaahi Axmed.

Aabahan Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay gacan ku siiso sidii gabadhiisa oo laga boobay loogu soo celin lahaa, waxa uuna uga digay xildhibaanada iyo dadka kale ee qabanqaabinaya guurka uusan raaliga ka ahayn.

Hadalka aabahan ayaa meesha ka saareysa hadalo horey loo sheegay oo ahaa in aabaha gabadha uu wiilka ay la baxsatay ku daray balse hooyada gabadha iyo xubno kale oo guurkaasi ka soo horjeeday dileen wiilka gabadha la baxsaday adeerkiis Axmed Dowlo.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>