35-QOF OO LA DHIGAY ISBITAALADDA MUQDISHO KADIB MARKII AY KU SUMOOBEEN…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan 35-qof la dhigay isbitaaladda magaalada Muqdisho kadib markii ay cuneen Mushaari laga bixiyo goobaha MCH-yadda sida ay sheegeen dhaqaatiirta.

Dadka mushaarida ku sumoobay waxa ay isugu jiraan Haween iyo Carruur, iyadoo ay ka mid yihiin haween Uur leh, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad qaar ka mid ah dadkaasi.

Dhacdadan ma jirto dad ku dhintay, hase yeeshee xaaladahooda caafimaad ayaa ah kuwo aan wanaagsanayn.

Qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka isbitaaladda Magaalada Muqdisho ee iyagu la gaarsiiyey bukaanadaasi ayaa sheegay in ay inta badan la tacaaleen dadka bukaanadda ah ee Mushaarida ku sumoobay.

Waxaa socda baaritaano lagu xaqiijinayo qaladka xagga uu ka jiro ee sababtay in tiradda 35-taasi qof in ay ku sumoobaan Mushaarida Boorashka ah ee ay cuneen.

Isbitaalka Banaadir ayaa ka mid ah isbitaalada la dhigay tirada bukaanada ugu badan.

aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>