NINKA AY HAWEENKU JECEL YIHIIN GUURKIISA.

Waa Hubaal inay haweeney walba leedahay dookh u gaarka ah iyo astaamo ama ahaqamo iyo dabeecado ay door bidi lahayd inuu lahaado Seyga ay nolosheeda u hibeyn lahayd.

Haddaba, iyadoo la kala dookh duwan yahay ayaa haddana laga siman yahay rabitaanka wanaaga, waxaana jira astaamo aan halkan ku soo xusi doono oo muujinaya inay yihiin kuwa dumarka ay ka siman yihiin, marka aad u kuurgashana aad ogaaneysid in marwo kastaa ka maqsuudi lahayd haddii astaamahan uu ku wada sifoobi lahaa Seygeeda.

Haddaba dumarka badidooda waxay ku hamiyaan ninka astaamahan hoos ku qoran leh, kaasoo ah:-

1- Midka u ka-faala-qaada marwadiisa nolol sharaf leh.

2- Midka dareensiiya inay tahay jaceylkiisa, saaxiibaddiisa iyo xaaskiisa.

3- Midka xaaskiisa u ixtiraama oo u dadariya, sida uu isaga u jecel yahay in loo ixtiraamo.

4- Midka xaaskiisa mar kasta la tashta ee aan isaga kaligiisa wax go’aamin.

5- Midka xaaskiisa siiya fursad ay ugu cabirto ra’yigeeda.

6- Midka tixgeliya dalabaadka xaaskiisa, ee aan waxba ka hagran intii awoodiisa ah.

7- Midka xaaskiisa ka ilaaliya inuu ku abaal sheegto.

8- Midka aan marnaba ku khasbin inay sameyso wax aysan awoodin.

9- Midka aan xaqirin xaqeeda, isla markaasna jecel inay xaaskiisa noqoto haweenka midda ugu sareysa.

10- Midka mar walba ka ilaaliya inuu xaaskiisa kula hadlo hadalo qalbigeeda dhaawacaaya.

Aayahanolosha.net

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>