QOYS KA KOOBAN SHAN RUUX OO HAL GOOB LAGU DILAY

Qoys reer Jabuuti ah oo ka kooban hooyo iyo afar caruurteeda ah ayaa hal goob lagu dilay xilli rabshado ay ka dheceen magaalada Diri-dhaba.

Rabshadahaas oo shalay ka dhacay degaankaas ayaa sidoo kale waxaa  ku dhintay dad Soomaaliyeed, iyadoo laga naxay qoyskaas halka goob ku dhintay.

Maxamed Axmed Buuni, oo ka tirsan ehelka hooyada iyo carruurta la dilay ayaa sheegay in Xaas uu qabay Walaalkiis  iyo Afar Carruur ah ay dhashay hal goob lagu wada dilay, kadib markii ay saameysay rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Walaalkiisa Maxamed Maxamuud Buuni ee xaaskiisa la dilay uu ka mid yahay ciidamada Jabuuti balse xaaskiisa iyo Carruurtiisa ay ku noolaayeen Magalada Diridhiba.

Qoysas kale oo qaarkood uusan aqoon ayuu sheegay in rabshadahaas in ay wax ku noqdeen,isla markaana xaaladu ay tahay mid degan.

Rabshadaha ka socda Magaalooyinka Waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sababeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo inta badan gaaray dadka Soomaalida ah.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>